Join thousands of learners and expert instructors.
1. Dakhli Wadaag (50% Revenue Share): Macallinku wuxuu xaq u leeyahay 50% dakhliga guud ee koorsada laga helo arday kasta oo is-diiwaangeliya. Dakhliga waxaa lagu bixiyaa bishiiba hal mar EVC Plus ama Account Bank.
2. Tayada Casharrada: Casharradu waa inay noqdaan kuwo maqal iyo muuqaal ahaan tayo sare leh (HD), af-Soomaali fudud oo xirfadeed ku baxaya, una dhisan hab manhaj leh.
3. Xuquuqda Lahaanshaha (Original Content): Macallinku wuxuu damaanad qaadayaa in koodhka, casharrada iyo laylisyadu ay yihiin wax isagu leeyahay oo aan meel kale laga soo koobiyayn.
4. Taageerada Ardayda: Macallinku wuxuu ka jawaabayaa su'aalaha ardayda ee ku saabsan koorsada iyo mashaariicda.
5. Xaqiijinta Maamulka: Codsiga macallinnimada waxaa dib u eegaya maamulka Daah Analytics ka hor inta koorsadaada aan la daabicin.
Already have an account? Sign In
Back to Home